Erdogan: Turkigu waa la dagaalami doonaa argagixisada ilaa laga soo afjarayo

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. [Xuquuqda Sawirka: Anadolu News Agency]
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. [Xuquuqda Sawirka: Anadolu News Agency]
Istanbul-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in Turkiga uu sii wadi doono la dagaalanka argagixisada iyo kuwa taageera “ilaa iyo laga soo afjarayo.”, sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

Erdogan ayaa bayaan ku sheegay kadib markii weerar argagixiso uu ka dhacay xalay oo Axad ahayd baar lagu caweeyo oo kuyaala magaalada Istanbul, kaasoo lagu dilay ugu yaraan 39 qof oo uu kamidyahay askari booliis ah, waxaa kale oo ku dhaawacmay 69 qof oo kale.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay weerarka axmaqnimada ah ee ka dhacay Istanbul in uu si cad u muujinayo in argagixisadu aysan kala duwanayn balse ujeedadeedu tahay waxyeelayn iyo dilid.

Ugu dambayna, Madaxweyne Erdogan ayaa tacsi u diray muwaadiniintii iyo ajaaniibtii lagu dilay weerarka wuxuuna u rajeeyay in ay si dhaqso ah ku bogsoodaan kuwii ku dhaawacmay weerarka.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse tifaftiraha wararka caalamka ee warsidaha Puntland Mirror Cabdiraxmaan Cabdullaahi Shiikh ahna falaanqeeye ku xeel-dheer diblomaasiyada dunida ayaa sheegaya in looga shaki qabo weerarkaas in ay geysatay kooxda ISIS kuwaasoo weeraro hore ka geystay gudaha dalka Turkiga.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*