Erdogan: Saldhiga Turkigu waa u jirayaa ilaa inta Qatar ay rabto

Madaxweynaha Turkiga Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Ankara-(Puntland Mirror) Turkigu ma uu xiri doono saldhigiisa milatari ee kuyaala gudaha Qatar, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay warbaahinta Faransiiska.

Erdogan ayaa sheegay in xiritaanka saldhiga uu ku imaan karo hal xaalad oo keliya, sida uu u sheegay taleefishinka France 24.

“Haddii Qatar ay naga codsato anaga in la xiro saldhiga, dabcan waanu xiraynaa ,” ayuu yiri Erdogan.

Heshiis dhanka gaashaandiga ah oo Turkiga iyo Qatar ay gaareen sanadkii 2014 ayaa lagu heshiiyay in saldhig milatari oo Turkigu leeyahay laga furo gudaha Qatar.

Qodobo dalab ah oo ay soo saareen dhawaan Sucuudiga iyo xulufadiisa ayaa waxaa kamid ah xiritaanka saldhiga Turkiga uu ku leeyahay gudaha dalka Qatar, balse Qatar ayaa diiday dalabkaas oo Sucuudiga iyo xulufadiisu ay sheegeen in haddii qodobada ay yeesho Qatar laga qaadi doono go’doonka ay ku soo rogeen bishii lasoo dhaafay.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*