Erdogan oo Maraykanka ka dalbaday in dib loogu soo cesho Fethullah Gulen

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo Maraykanka ka dalbaday in dib loogu soo cesho Fethullah Gulen.

Istanbul-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyay ganacsadaha masaafuriska ku maqan Fethullah Gulen inuu qorsheeyay afgembigii dhicisoobay, wuxuuna Maraykanka ka dalbaday in dib loogu soo cesho.

Fethullah Gulen oo ku nool Pennsylvania ayaa diiday inuu wax lug ah ku lahaa inqilaabka fashilmay.

Iskudaygii inqilaabkii fashilmay waxa uu ka tagay 265 qof oo dhimasho ah, sida uu sheegay Raysulwasaaraha Turkiga Binali Yildirim.

Dowlada Turkiga ayaa iclaamisay in xaalada guud ee dalka ay ku jirto gacanta dowlada, iyagoo sheegay in ka badan 2,839 qof oo lala xiriirinayo afgembiga dhicisoobay in la xiray.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*