Duqa Garoowe Xasan Goodir oo sheegay in bilowga 2017 buundo la saari doono wadada isku xirta isbitaalka iyo magaalada

Jidka buundada
Wadada dhexmarta togga oo isku xirta magaalada iyo isbitaalka guud ee Garoowe. Sawirka: Puntland Mirror.

Garoowe-(Puntland Mirror) Duqa degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise “Goodir” ayaa sheegay in Bangida Aduunka uu mashaariic kaabayaasha dhaqaalaha ah ka fulinayo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Goodir oo wareysi siiyay website-ka la yiraahdo Raxanreeb ayaa sheegay in mashaariic jidad, laamiyaal iyo buundooyin ah ay sanadka cusub ee 2017 ka bilaabmi doonaan magaalada, mashaariicdaas oo uu maalgelinayo Bangiga Aduunka.

“Mashaariicda kusoo fool leh magaalada waxaa kamid ah kuwa Bangiga Aduunka oo jidad laami ah u badan waxaana ku jira labo buundo ah oo mid ay tahay buundada isbitaalka midna tahay Af-dhurwaayaale, waxaa kale oo ku jira 29-km oo ah jidad magaalada dhexmaraya oo kuwa ugu fog ay kamidyihiiyn kuwo u dhaxeeya garoonka diyaaradaha ee magaalada iyo wadada weyn ee laamiga, mashaariicdaas waxaa weeye sanadka cusub bilowgiisa baanu rajaynaynaa in ay Garoowe ka bilaabmaan” ayuu yiri Xasan Goodir oo wareysi siiyay Raxanreeb.

Xasan Goodir oo duqa degmada Garoowe loo doortay 21 Agoosto ee sanadkii 2015-ka ayaa hadda muddo sanado ah xilka haya.

Wareysi gaar ah oo uu warsidaha Puntland Mirror siiyay Xasan Goodir bishii Febraayo ee sanadkan ayuu ku sheegay in uu ku rajo weynyahay dhismaha buundada isku xirta magaalada iyo isbitaalka inta uu xafiiska joogo.

Wadadaas oo kutaala togga waqooyi ee magaalada ayaa ah waddo muhiim ah taasoo isku xirta isbitaalka guud iyo magaalada waxaa kale oo halkaas kuyaala xarumo ay kamidyihiin jaamacada PSU iyo dugsiga sare ee Gambool, xilliyada ay biyuhu maraayan togga ayaa waxaa caqabad kasoo wajahdaa dadka shacabka ah ee u socda isbitaalka iyo ardayda wax ka barata xarumaha waxbarasho ee halkaas kuyaala.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*