Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in todobo maleeshiyo Al-Shabaab ah lagu dilay weerar ka dhacay Jubbada Dhexe

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in todobo maleeshiyo Al-Shabaab ah lagu dilay weerar ka dhacay Jubbada Dhexe. [Xigashada Sawirka: Al Jazeera]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeeda oo kaashanaya ciidamo ajnabi ah ay dileen todobo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab weerar ka dhacay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe shalay oo Arbaco ahayd, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Ciidamadeenu waxay dileen todobo maleeshiyo oo katirsan Al-Shabaab, oo uu kamidyahay hoggaamiye sare oo Al-Shabaab ah kaasoo masuul ka ahaa qaraxyo badan oo ka dhacay gudaha Muqdisho,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu amray weerarka, iyadoo dowladda iyo saaxibadeeda caalamku ay sii wadi doonaan weerarada noocaan oo kale ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab si loo wiiqo awooda maleeshiyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*