Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in haweenay indhoolo ah ay isku-qarxisay duqii Muqdisho

Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan “Injineer Yariisow”. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Haweenaydii is-qarxisay oo dishay duqii Muqdisho iyo lix qof oo kale ayaa ahayd indhoolad, taasoo ka shaqayn jirtay dowladda hoose ee Muqdisho, wasaaradda amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidaa ku sheegtay war-saxaafadeed maanta oo Jimce ah.

“Baaritaanada hordhaca ay waxay muujinayaan in haweenay ka shaqayn jirtay dowladda hoose ay is-qarxisay iyada oo taageero ka heshay haweenay kale, taasoo sidoo kale ka shaqaayn jirtay dowladda hoose,” war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda amniga ayaa sidaa lagu yiri.

Halka ay ku sugantahay haweenaydii taageerada siinaysay indhoosha laguma sheegin war-saxaafadeedka.

Bil kahor qaraxa, labada haween ayaa fasax ka qaatay shaqada, waxayna tageen meelaha ay Al-Shabaab maamulaan, war-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray.

Duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo la yaqiin Injineer Yariisow ayaa 1-dii Agoosto ku geeriyooday magaalada Dooxa ee dalka Qatar kadib dhaawac culus oo ka soo gaaray qarax ka dhacay xafiiskiisa 24-kii bishii July.

Maleeshiyada argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, waxayna sheegeen in bartilmaameedku ahaa ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo ka tagay goobta saacado yar kadib kulan uu la yeeshay Injineer Yariisow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*