Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay ka soo horjeedo go’aanka ay Qaramada Midoobay ku kordhisay cunoq-qabataynta hubka

Laliyaha amniga qaranka Cabdisiciid Maxamed Cali. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka soo horjeedo go’aanka uu Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ku kordhiyay cunoq-qabataynta hubka ee saran dalka.

Lataliyaha amniga qaranka Cabdisiciid Maxamed Cali ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in cunoqabataynta ay caqabad ku tahay awooda Soomaaliya si ay ku hesho hub aan looga maarmin in looga adkaado argagixisada.

Cabdisiciid ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorshaynayso in ay soo celiso ciidamada qalabka sida si loola dagaalamo maleeshiyada Al-Shabaab oo ku xiran urur weynaha Al-Qaacida, sidaa darteed loo baahanyahay in cuno-qabataynta la qaado.

Waxa uu intaas ku daray in qeyb kaimd ah saaxiibada Soomaaliya aysan rabin in dadka Soomaaliyeed ay taageeraan ayna qalabeeyaan ciidamada dalka balse ay samaynayaan cuno-qabatayn dheeri ah.

Jimacadii, Qaramada Midoobay ayaa meelmarisay qaraar kordhinaya muddo hal sanno ah cuno-qabataynta hubka ee mudada dheer saarnaa Soomaaliya, iyagoo sheegay in ujeedku yahay sidii looga hortagi lahaa in Al-Shabaab ay hesho hub, kiimiko iyo waxyaabah kale ee qaraxyada laga sameeyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*