Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ciidankeedu saddex maleeshiyo Al-Shabaab ah ay ku dileen gobolka Shabeellaha Dhexe

Sawirka: Ciidamada Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeedu ku dileen saddex maleeshiyo oo Al-Shabaab ah deegaanka Basra ee gobolka Shebeellaha Dhexe maanta oo Arbaco ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka dowladda ee Sonna, oo soo xiganaysa saraakiil.

Janaraal Cabdullaahi Cali Caanood oo ah taliyaha ciidanka Soomaaliya ayaa Sonna u sheegay in ay ku dileen saddex maleeshiyo oo Al-Shabaab ah sidoo kalena ay dhaawaceen afar kale howlgal ka dhan ahaa Al-Shabaab.

Caanood ayaan xusin haddii ay jiraan askar katirsan dowladda oo ku dhimatay ama ku dhaawacantay howlgalka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waday howlgalo dhulka ah oo ka dhan Al-Shabaab ee gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ilaa iyo bishaan, labada gobol ayaa Al-Shabaab ay ku xooganyihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*