Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ciidamadeeda kumaandooska ay burburiyeen saldhig ay Al-Shabaab ku lahayd gobolka Shabeellaha Hoose

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ciidamadeeda kumaandooska ay burburiyeen saldhig ay Al-Shabaab ku lahayd gobolka Shabeellaha Hoose. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeeda kumaandooska ee Danab ay burburiyeen saldhig ay Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay masuul katirsan dowladda.

Guddoomiyaha degmada Baraawe, Aadan Cumar Madoobe ayaa idaacada dowladda ee Radio Muqdisho u sheegay in ciidamada Danab xalay oo Khamiis ahayd ay weerar qorshaysan ku qaadeen saldhiga ayna burburiyeen.

“Saldhigaan wuxuu ahaa mid Al-Shabaab ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo dhibbaatooyinka ay u gaystaan shacabka, waxaana hadda kuu sheegayaa in gabi ahaanba saldhigaas la burburiyay.” sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha degmada Baraawe oo la hadlayay Radio Muqdisho.

Intii lagu guda jiray bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Al-Shabaab, oo xiriir la leh urur weynaha Al-Qaacida ayaa dibada looga saaray intooda badan magaalooyinka kuyaala koonfurta Soomaaliya balse waxay weli maamulaan deegaano badan oo miyi ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*