Dowladda Soomaaliya oo diyaarisay ciidamo si ay u difaacaan Mukhtaar Roobow haddii ay Al-Shabaab isku daydo in ay weerarto

Mukhtaar Roobow Abu Mansuur. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarinaysa in ay ciidamo u dirto Mukhtaar Roobow Abu Mansuur si ay u difaacaan haddii ay Al-Shabaab isku daydo in ay weerar ku qaado isaga, sida uu sheegay masuul dowladda katirsan oo ay soo xigatay wakaalada wararka Reuters.

“Waxaanu ognahay in ay dagaalyahano Al-Shabaab katirsan ay qorshaynayaan in ay weeraraan ayna qabtaan Roobow balse tani ma fududa waxa uu haystaa ciidamo qalabaysan oo tababaran, kuwaas oo naftooda u huraya isaga.” Kornayl Aadan Axmed oo ah sargaal katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sidaas u sheegay Reuters.

“Shalay waxaan diyaarinay ku dhawaad 300 ciidamo milatari ah oo wata baabuurta ciidamada si ay u difaacaan Roobow.” Ayuu ku daray Aadan.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, boqolaal dagaalyahano ah oo katirsan Al-Shabaab ayaa ku wajahan Roobow.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa bilowday ugaarsiga si ay u dilaan ama u qabtaan Mukhtaar Roobow Abu Mansuur kadib markii dhawaan Mareykanku uu ka saaray liiska argagixisada.

Abu Mansuur oo horey u soo noqday hoggaamiye ku xigeenka iyo afhayeenka kooxda ayaa tan iyo sanadkii 2013-kii ku dhuumanayay deegaano kuyaala gobolada Bay iyo Bakool halkaas oo uu asal ahaan ka soo jeedo, sida ay sheegayaan ilo-wareedyadu.

Asbuucaan, Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay liiska argagixisada ka saartay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur.

Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa sanadihii lasoo dhaafay aan xiriir fiican la lahayn ururka Al-Shabaab kadib markii khilaaf uu soo kala dhex galay isaga iyo hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane kaas oo Mareykanku duqeyn ku dilay sanadkii 2014-kii.

Bishii June ee sanadkii 2012-kii ayaa Abu Mansuur Mareykanku waxa ay ku dareen liiska dadka ay doonayaan waxaana madaxiisa la dul saaray shan milyan oo Dollar (5,000,000).

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan dowladda Soomaaliya, waxa jira wada-xaajood u dhaxeeya Mukhtaar Roobow Abu Mansuur iyo dowladda Soomaaliya balse weli ma jirto damaanadqaad ah in uu is dhiibayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*