Dowladda Soomaaliya oo baaritaan ku sameyn doonta dilkii dadka shacabka ahaa ee deegaanka Bariire

Raysulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed Maxamed. [Sawirka: Puntland Mirror]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baarayso dilka dadkii shacabka ahaa ee deegaanka Bariire.

Isaga oo gudaha Muqdisho kula hadlayay wariyeyaasha Raysulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed Maxamed ayaa sheegay in dowladdu ay sameysay guddi ay kamidyihiin wasiiro iyo saraakiil ciidamada ah si ay u baaraan xaqiiqda dhacdada Bariire.

Guddiga ayaa haysta shan maalmood si ay u sameeyaan baaritaan buuxa ayna ugu gudbiyaan masuuliyiinta sare ee dowladda sida Raysulwasaaraha iyo Madaxweynaha, sida uu sheegay Raysulwasaare ku xigeenku.

Ugu yaraan 10 qof oo ay ku jiraan saddex caruur ah ayaa ku dhimatay weerar ka dhacay Jimcadii tuulada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay qaadeen ciidamada Soomaaliya oo ay taageerayeen ciidamo Mareykan ah.

Dhanka kale, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in sidoo kale iyaguna ay baaritaan ku sameynayaan dhacdada.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*