Dowladda Puntland oo si cad uga soo horjeesatay sharciga shidaalka Soomaaliya

Madaxweyne Deni oo ka hadlayay munaasibada sanadguuradiisa xafiiska, Janaayo 8, 2020, Garoowe. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa ka soo horjeesatay sharciga shidaalka ee Soomaaliya kaasoo ay ansixiyeen haayadaha sharci dejinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo fiidnimadii Arbacada ka hadlayay munaasibad lagu qabtay Garoowe oo lagu xusayay sanadkiisii kowaad ee uu xafiiska joogay, ayaa si cad uga soo horjeestay sharciga batroolka dalka sababtoo ah lagalama tashan dowladiisa.

“Haddii aanu nahay Puntland, waxaan si cad u sheegayaa in aanu qeyb ka ahayn sharciga shidaalka ee ay meelmariyeen golayaasha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya,” ayuu yiri.

Madaxweyne Deni ayaa intaas ku daray in sharcigan uusan waxtar yeelan dooniin hehiisna aan lala geli karin shirkado shidaal baaris ilaa laga sugo amniga dalka.

Shrciga shidaalka ayaa waxaa meelmariyay golaha baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya bishii May ee 2019, sidoo kale aqalka sare ayaa ansixiyay asbuucaan, haddana waxa uu sugayaa saxiixa madaxweynaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*