Dowladda Puntland oo sheegtay in 4,000 booyadood oo biyo ah la gaarsiin doono dadka ay abaartu saameysay

Dowladda Puntland oo sheegtay in 4,000 booyadood oo biyo ah la gaarsiin doono dadka ay abaartu saameysay. [Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Dowladda Puntland oo sheegtay in 4,000 booyadood oo biyo ah la gaarsiin doono dadka ay abaartu saameysay. [Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah magaalada Boosaaso ku qabatay barnaamijka labaad ee biyo dhaanka gurmadka abaaraha.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli  Maxamed Cali oo kulanka lagu daahfurayay baarnaamijka labaad ee biyo dhaamiska ah ka qeybgalay ayaa sheegay in 4,000 booyadood oo biyo ah la gaarsiin doono sagaalka gobol ee Puntland, gaar ahaan deegaanada ay abaartu sida daran u saamaysay.

Cabdiweli ayaa sheegay in dowladda ay sii wadayso gurmadka biyo dhaamiska ah ee dadka ay abaartu saamaysay ilaa roob da’o.

Puntland ayaa wajahaysa abaartii ugu xumayd muddo sannado ah, iyadoo 1.5 milyan oo qof ay u baahanyihiin cuno iyo biyo.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*