Dowladda Puntland oo raaligelin ka bixisay hadal Madaxweyne Cabdiweli uu dhawaan jeediyay oo taabanayay dadka Koonfur Galbeed

Madaxtooyada Puntland ee Garoowe. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa raaligelin ka bixisay hadal Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali uu dhawaan jeediyay oo taabanayay dadka Koonfur Galbeed.

“Puntland waxay u sheegaysaa shacab weynaha Koonfur Galbeed in Puntland iyo Koonfur Galbeed ay isku mid ka yihiin kana midaysanyihiin la dagaalanka cadawgooda Al-Shabaab, isla markaana hadalka Madaxweynuhu uu quseeyay cadowga Puntland iyo Koonfur Galbeed ee Al-Shabaab oo kaliya,” ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Puntland maanta oo Arbaco ah.

“Haddaba Puntland waxay si dhammaystiran uga raali gelinaysaa Dowladda iyo shacabka Koonfur Galbeed erayadii ay dhibsadeen ee ku jiray khudbadii Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee uu uga hadlayay arrimaha kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaamadii uu madaxweynuhu soo hadal qaaday.” Ayaa lugu sii yiri bayaanka.

Bayaanka kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay maamulka Koonfur Galbeed iyo shacabkiisa la garab taagantahay xoojinta midnimadooda iyo sharaftooda kana soo horjeedo wax kasta oo dhibbaato ku ah jiritaankooda.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ee uu kusoo hadal qaaday deegaano kuyaala Koonfur Galbeed ayuu ka jeediyay magaalada Baran ee gobolka Sanaag oo asbuucii lasoo dhaafay uu safar ku tagay.

Dad badan oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed oo ay ku jiraan masuuliyiin dowladeed ayaa maalmihii u dambeeyay baraha bulshada kaga hadlayay hadalka Madaxweynaha Puntland oo ay sheegeen in ay aad uga xumaadeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*