Dowladda Puntland oo ka hadashay saddex xubnood oo katirsan guddiga dhismaha wadada Boosaaso oo xabsiga ku jira

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw-cusmaan. [Isha Sawirka: screenshot]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa ka hadashay saddex xubnood oo dhawaan lagu xiray magaalada Boosaaso.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland oo shir saxaafadeed ku qabtay Garoowe xalay fiidkii ayaa sheegay in sharciga uu cid walba ka sareeyo lana xiri karo cidii ku xadgudubta.

“Sharcigu isaga ayaa cid walba ka sareeya qofkii ku xadgudbana waxaa la saaraa miisaan sharci, dadka hadda eedaysanayaasha ah oo qaarkoodna Garoowe ku xiranyahay qaarkoodna Boosaaso ku xiranyahay madaxweyne amar kuma bixin in la soo xiro waxaa soo xiray ama lagu qabtay in ay shuruucda Puntland u degsan ay ku xadgudbeen.” Ayuu yiri Maxamuud Xasan Aw-cusmaan.

Xeer ilaaliyaha ayaa intaas ku daray in xubnahaas loo gudbin doono haayadaha garsoorka.

Khamiistii, haayadaha ammaanka ayaa xabsiga dhigay saddex xubnood oo la sheegay in ay katirsanyihiin guddiga dhismaha magaalada Boosaaso. Dowladda Puntland si rasmi ah ugama aysan hadlin sababta loo xiray xubnahaas, balse guddiga ayaa warbaahinta bulshada ku faafiyay rasiidka lacag cadadkeedu dhanyahay $150,000-dollar oo ka timid dowladda federaalka taasoo la soo mariyay xawilaadaha maxaliga ah.

Ilo-wareedyo ka ag dhow dowladda ayaa bog wareedka Puntland Mirror u sheegay in dowladda Puntland ay ka xumaatay in lacagtaas oo kamid ah deeqaha uu caalamku siiyo Soomaaliya oo ka timid dowladda dhexe la mariyo dad shacab ah halkii laga marin lahaa haayadaha dowladda sida wasaaradda maaliyada iyo bangiga dhexe.

Sabtidii, war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ka codsaday in la sii daayo saddexda xubnood ee ku xiran Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*