Dowladda Islaamiga ah oo sheegatay masuuliyada qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Boosaaso

Qofka isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay bar kantarool ciidan oo ku dhow isgoyska Towfiiq ee gudaha Boosaaso. [Sawirka: Twitter]
Boasaaso-(Puntland Mirror) Dowladda Islaamiga ah ayaa sheegatay masuuliyada qaraxii ismiidaaminta ahaa oo xalay oo Talaado ahayd ka dhacay gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso ee Puntland kaasoo lagu dilay ugu yaraan saddex qof.

“Dagaalyahan katirsan Dowladda Islaamiga ah ayaa ku guulaystay in uu isku qarxiyo ciidamo Soomaali ah oo jooga magaalada Boosaaso ee bariga Soomaaliya,” ISIS ayaa bayaan ku tiri ay ku daabacday wakaaladeeda wararka ee Amaq.

Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray askari katirsan ciidamada booliiska iyo dhalinyaro ka ag dhawaa goobta qaraxa. 

Qofka isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay bar kantarool ciidan oo ku dhow isgoyska Towfiiq ee gudaha Boosaaso, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Weerarka ayaa sidoo waxaa ka dhashay tiro dhaawac ah, sida saraakiil caafimaad oo jooga Boosaaso ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*