Dowladda hoose Garoowe oo kaashanaysa dhalinyaro oo bilaabay olole nadaafadeed

(Dhexda) Xasan Maxamed Ciise Goodi oo la hadlaya dhalinyarada ka qeyb qaadanaysa ololaha nadaafada. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta dowladda hoose ee Garoowe]
Garoowe-(Puntland Mirror) Duqa magaalada Garoowe Xasan Maxamed Ciise oo loo yaqaan Goodir oo kaashanaya dhalinyaro iska wax u qabso ku shaqaynaya ayaa maanta oo Axad ah magaalada Garoowe ka bilaabay olole nadaafadeed si kor loogu qaado muuqaalka magaalada, oo ah caasimada Puntland.

Isaga oo warbaahinta la hadlayay, Goodir ayaa dhalinyarada uga mahadceshay dadaalkooda ku aadan kor u qaadida bilicda magaalada.

Umulkhayr Cawad, oo kamid ah ka qaybgalayaasha ololaha, ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay ka qaybqaataan horumarinta magaaladooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*