Dowladda Hoose ee Garoowe oo joojisay furitaanka kaalmaha shidaalka

Guddoomiyaha Degmadda Garoowe ahna Duqa Caasimadda Garoowe Mudane Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir). [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Hoose ee magaalada Garoowe ayaa joojisay furitaanka kaalmaha shidaalka ee magaalada, sida uu shir saxaafadeed maanta oo Arbaco ah ka sheegay duqa degmada Xasan Maxamed Ciise Goodir .

“Cid walba oo Garoowe oo damac kaga jiray in ay kaalin cusub ka furato laga bilaabo maanta waanu joojinay,” Ayuu yiri Xasan Goodir.

Tilaabada ayaa timid hal maalin ka dib markii dab balaaran uu qabsaday kaalimo shidaal oo kuyaala magaalada Garoowe kaasoo ay ku dhinteen ilaa shan qof ayna ku dhaawacmeen sideed kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*