Dowladda hoose ee degmada Garoowe oo bilowday buuxinta waddooyinka ay biyaha roobka fariistaan

Dowladda hoose ee degmada Garoowe oo bilowday buuxinta waddooyinka ay biyaha roobka fariistaan. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Dowladda Hoose]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda hoose ee degmada Garoowe ayaa bilowday buuxinta waddooyinka ay biyaha roobka fariistaan ee kuyaala gudaha magaalada, sida uu sheegay masuul katirsan dowladda hoose.

Cabdiqafaar Cabdiraxmaan Axmed, xoghayaha dowladda hoose oo warbaahinta maanta oo Axad kula hadlayay Garoowe ay sheegay in dowladda hoose ay bilowday olole lagu buuxinayo waddooyinka ay biyaha roobku fariistaan ee gudaha magaalada.

Cabdiqafaar ayaa shacabka Garoowe ka codsaday in ay ka qayb qaataan ololaha nadaafada ayna furan kanaalada hortooda mara si ay u socdaan biyuhu oo ay uga baxaan magaalada.

Tilaabada dowladda hoose ayaa kusoo aadaysa iyadoo ay bilaabmatay xilli roobaadkii Deyrta, biyaha xilli roobaadyada ayaa fariista waddooyinka waa-weyn ee magaalada, kuwaasoo keeni kara nadaafad daro ay ka dhashaan xanuunada faafa .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*