Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageertay go’aanka uu Sucuudigu ka qaatay khilaafka kala dhaxeeya Canada

Calanka Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhinac istaagtay go’aanka uu Sucuudi Caraabiya ka qaatay khilaafka soo kala dhexgalay dalka Canada.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada.”

“Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.” Ayaa lagu sii sheegay bayaanka.

Maalmihi u dambeeyay wadamada Sucuudi Caraabiya iyo Canada ayaa khilaaf soo kala dhexgalay.

Khilaafka ayaa ka dhashay kadib markii Canada ay Sucuudiga ugu baaqday in uu xabsiga ka sii daayo dumar u dhaqdhaqaaqa xuquuqul iinsaanka taasoo ay Riyadh ka carootay.

Sucuudiga ayaa joojiyay dhammaan ganacsigii, waxaana uu dalkiisa ka saaray safiirada Canada waxaana uu u jeediyay muwaadiniinta Sucuudiga ee wax ka barta gudaha Canada in ay ka tagaan.

Canada ayaa ka jawaabtay waxayna sheegtay in ay sii wadi doonto u qareemida xuquuqul iinsaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*