Home Business Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo bandhigtay naqshada lacagta cusub ee la sameyn doono
Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo soo bandhigaya sida ay noqon doonto lacagta cusub. [Sawirka] Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo bandhigtay naqshada lacagta cusub ee la sameyn doono.
Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shir saxaafadeed ku qabtay Sabtidii Muqdisho ayaa soo badhigay tusaale kamid ah qaabka ay noqon doonto lacagta cusub oo ka kooban 5,000 (shan boqol oo Shillin) iyo 1,000 (kun Shillin).
Lacagta cusub ayaa bedeli doonta mida duugta ah taasoo la isticmaalayay 20-sanno ee u dambeysay.
Wasiirka Maaliyada ma uusan qeexin wakhtiga dhabta ah ee la daabacayo lacagta cusub.
Senior Managing Editor at Puntland Mirror and Co-founder of The Site. His Special Passion is Covering Topics Related to Security and Business.You can follow him on Twitter @Abdiomarbile
Be the first to comment