Dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegtay in dhawaan uu bilaabmi doono guluf balaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab

Ciidamo katirsan dowladda federaalka Soomaaliya. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa guluf balaaran oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, sida uu sheegay masuul katirsan dowladda.

Wasiirka Gaashaandiga Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta dowladda ee Radio Muqdisho u sheegay in uu dhawaan bilaabmi doono howlgal dalka looga saarayo Al-Shabaab.

“Abaabulka hadda aan sameynayno waa ka duwanyahay kii hore, waxaad dareemi kartaa abaabulada hore waa ka hoseeyeen darajo ahaan, abaabulkan waxaa hoggaaminaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.

“Dagaalka waxaa ka qeybgali doona ciidamo isku dhaf ah, ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed keliya maahan,” ayuu ku sii daray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmihii lasoo dhaafay xarun ka dhigtay Wasaaradda Gaashaandhiga oo uu ka socdo abaabulka ka dhanka ah maleeshiyada. Madaxweynaha ayaa sidoo kale wax ka bedel ku sameeyay hoggaanka ciidanka.

Farmaajo ayaa markii la doortay ku dhawaaqay xaalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasoo deegaano badan oo kuyaala koonfurta Soomaaliya maamula.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*