Dowladda federaalka Soomaaliya oo sharci daro ku tilmaamtay heshiiska u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo shirkadda DP World

Masuuliyiin ka socda DP World, Somaliland iyo Itoobiya oo asbuucaan heshiiska saami qeybsiga ku saxiixday Dubai [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamtay heshiiska u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Badda maanta oo Jimce ah.

“Sida u qeexayo heshiiska warbaahinta lala wadaagay, shirkadda DP World ayaa yeelanaysa saami dhan 51%, Somaliland 30%, halka Dowladda Itoobiya ay yeelanayso 19%. Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, oo wakiil uga ah arrimaha dekadaha dalka oo dhan Xukuumnadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay caddeynaysaa in dowladda federaalka Soomaaliya aysan qeyb ka ahayn, cidna aysan u wakiilan in heshiiskaas lala saxiixdo Shirkadda DP World,” Ayaa lagu yiri bayaanka.

“In heshiiskaas uu lid ku yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in habraaca loo maray heshiiskaas uu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Ku meel gaarka ah iyo shuruucda kale ee uu yaalla Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidaas darteed, annaga oo cuskanayna qodobada kor ku xusan, waxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda caddeynaysaa in uu heshiiskaasi yahay mid waxba kama jiraan ah,” bayaanka ayaa lagu sii daray.

Maamulka Somaliland ayaa shirkadda DP World ku wareejiyay maamulida dekada Berbera sanadkii 2016, kadib heshiis la sheegay in uu ku baxayo $442 milyan oo lagu balaarinayo dekada, iyada oo DP World ay gacanta ku heyn doonto dekada muddo 30 sanno ah.

Khamiistii, DP World ayaa bayaan ku sheegtay in 19% ay Itoobiya qaadanayso saamiga dekada Berbera, halka DP World ay qaadan doonto 51%, inta soo harta oo ah 30% ay leedahay Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*