Dowladda federaalka Soomaaliya oo la wareegtay ciidankii ay tababareen Imaaraatka Carabta

Xerada ciidanka uu Imaaraatku tababari jiray. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay ciidankii ay tababareen Imaaraatka Carabta, sida uu sheegay sargaal ciidanka katirsan.

Abaanduulaha ciidanka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la wareegtay ciidankii ay gacanta ku hayeen Imaaraatka Carabta.

Caanood ayaa intaas ku daray in hadda kadib ay dowladda federaalka Soomaaliya ay bixin doonto mushahaarka iyo tababarka ciidankaas.

Asbuucii lasoo dhaafay, Imaaraatka Carabta ayaa joojiyay taageeradii ay siin jireen ku dhawaad 2,000 oo katirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo ay gacanta ku hayeen tan iyo sanadkii 2014-kii.

Xiriirka u dhaxeeya labada dal ayaa meel xun gaaray maalmihii lasoo dhaafay kadib markii ciidamada ammaanka ee ku sugan Muqdisho ay 8-dii bishaan April qabteen lacag kaash ah oo ay siday diyaarad ka timid Imaaraatka.

Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in lacagta oo dhan $9.6 milyan loogu talogalay in lagu daboolo mushahaarka 2,407 askari oo katirsan ciidamada Soomaaliya oo ay tababaraan Imaaraatka.

Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraatka ayaa xumaa tan iyo maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*