Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka jawaabtay hanjabaad uu jeediyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed

Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal hanjabaad ah oo uu jeediyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed.

Shir saxaafadeed xalay uu ku qabtay Muqdisho wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hadalka Shariif ku tilmaamay mid aan u qalmin maqaamka iyo karaamada qof madaxweyne dalka ka soo noqday.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay aad ula yaabtay hadalkii lama filaanka ahaa ee ka soo yeeray mudane Shariif Shiikh Axmed madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ahaa hadal filan waa ku noqday guud ahaan ummada Soomaaliya kaasoo aan u qalmin meeqaamka iyo karamaada laga filan karo qof dalkaan astaan qaran u soo noqday,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

“Waxaan ugu yeeraynaa madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed kana taxadaro waxkasta oo dhaawicaya muuqaalka qaran ee uu xambaarsanyahay madaxweyne hore,” ayuu ku sii daray.

Isaga oo ka hadlay shir jaraaid gelinkii dambe ee Axada, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa ku hanjabay in dowladda federaalka Soomaaliya uu dibada ka saarayo Muqdisho, oo ah caasimada dalka.

Hanjabaadiisa ayaa daba socotay kadib markii wefdi uu hoggaaminayay oo uu ku jiray madaxweynihii isaga ka dambeeyay Xasan Shiikh Maxamuud saacado lagu xanibay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho xilli ay ku sii jeedeen magaalada ay fatahaaduhu ku dhufteen ee Beledweyne.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*