Dowlada Soomaaliya oo xirtay wargeyska Xog Ogaal, xabsigana dhigtay tifaftirihii

xog-ogaal
Dowlada Soomaaliya oo xirtay wargeyska Xog Ogaal, xabsigana dhigtay tifaftirihii. [Graphic: Puntland Mirror]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa xiray wargeys sidoo kalena xabsiga dhigay tifaftirihii wargeyska, sida shalay oo Axad ahayd ay sheegeen ururka suxufiyiinta Soomaaliya.

Ciidamada sirdoonka ayaa habeenimadii Sabtida weeraray xafiisyada Xog Ogaal, iyaga oo qaatay kumbuyuutaradii iyo kaamirooyinkii, waxayna xireen tifaftirihii Cadi Aadan Guuleed.

“Tani waxay calaamad u tahay amaanka dowlada oo sii xumaanaya iyo dhibaatooyinka wariyaha madaxa-banaan,” Sidaa waxaa yiri Cumar Faaruuq Cusmaan, oo ah xoghayaha ururka suxuufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Ma cada sababta loo xiray Guuleed, balse ururka ayaa sheegay in ay tahay markii kowaad oo ay dowlada ku kacdo fal kasoo horjeeda wargeyska, oo la asaasay sanadkii 1991-dii.

Haayadaha Soomaaliya ayaan saxaafada ugu yeerin in ay ka jawaabaan waxyaabaha lagu eedeeyo kahor inta aan la xirin. Saraakiisha amaanka ayaa mar walba saxaafada kula kaca xiritaan iyo hanjabaado marka ay tabiyaan warar iyaga kasoo horjeeda.

Soomaaliya oo tan iyo 1990-kii ku jirtay xasilooni daro, ayaa kamid ah dalalka ugu horeeya ee ay warbaahinta ka howlgasho.

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab, ayaa sidoo kale bartilmaameedsata suxufiyiinta, ugu yaraan 32 suxufi ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya tan iyo 2010 ilaa 2015, sida ay sheegtay guddiga daryeelka suxufiyiinta ee CPJ.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*