Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in ugu yaraan 8 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Jubbada Hoose

Taliyaha ciidamada Soomaaliya Janaraal Cali Baashi.

Kismaayo-(Puntland Mirror) Ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay dabada ka riixayaan kuwa AMISOM ayaa ku dilay deegaan u dhow tuulada Beerxaani oo kutaala gobolka Jubbada Hoose ugu yaraan sideed dagaalyahan oo Al-Shabaab ah, sida ay maanta oo Talaado ah tabisay wakaalada wararka dowlada Soomaaliya ee Sonna.

Isaga oo la hadlayay Sonna taliyaha ciidamada Soomaaliya Janaraal Cali Baashi ayaa cadeeyay in ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa AMISOM in ay qaadeen howlgalo ayna ku dileen ugu yaraan sideed dagaalyahan oo katirsan kooxda hubaysan ee Al-Shabaab.

Dilka dagaalyahanada Al-Shabaab oo ay sheegatay dowlada ayaa imaanaya iyadoo ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ay wadaan howlgalo culus oo ka dhan ah saldhigyada Al-Shabaab ee gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*