Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in ciidamadoodu ku dileen gobolka Baay 15 dagaalyahan oo al-Shabaab ah

Somali soldier
Ciidamada dowlada Soomaaliya. Sawirka: Xinhua.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadooda ay dileen 15 dagaalyahan oo al-Shabaab ah kadib markii ay soo weerareen saldhig ciidan oo ku yaala deegaanka Goof-gaduud oo qiyaastii 24 kiilo-mitir dhanka koonfurta kaga beegan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, sida uu sheegay sarkaal.

Kornayl Ismaaciil Khaliif oo ah taliyaha ciidamada dowlada ee guutada 60-aad, kaasoo la hadlay wakaalada wararka dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar ay kusoo qaadeen kooxda al-Shabaab.

“Dagaalyahanada al-Shabaab ayaa soo weeraray ciidamdeena deegaanka Goof-gaduud ee koonfur bari Soomaaliya, laakiin waanu ka hortagnay, argagixisada kuma aysan guulaysan yoolkooda oo ay rabeen in ay qabsadaan saldhiga, waxaanu dilnay 15 xubnood oo al-Shabaab ah si lamid ahna tiro kale ayaan dhaawacnay,” ayuu yiri taliyaha.

Dhanka kale, taliyaha ciidamada ayaa sheegay in mid kamid ah ciidankooda uu ku dhintay weerarka.

Tirada khasaaraha ee nooca weerarkan oo kale macquul maahan in si madax-banaan loo ogaado.

Kooxda al-Shabaab ayaa laga saaray caasimada Soomaaliya Muqdisho shan sanno kahor, balse kooxda waxay qaadaysaa weeraro joogta ah oo ka dhan ah xarumaha ciidamada dowlada iyo goobaha shacabka, iyadoo doonaysa in ay afgembidu dowlada uu caalamka dabada ka riixayo.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*