Doorashooyinka Soomaaliya oo dib u dhacay ilaa iyo bilowga 2017

Doorasho
Odayaasha beelaha ayaa soo xuli doona baarlamaanka iyadoo xildhibaanada lasoo xulayna ay dooran doonaan madaxweynaha.

Garoowe-(Puntland Mirror) Doorashada baarlamaanka Soomaaliya iyo mida madaxweynaha ayaa dib u dhacaysa ilaa iyo bisha Febaraayo ee sanadka soo socda 2017-ka, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Xildhibaan katirsan baarlamaanka Soomaaliya oo diiday in uu magaciisa sheego ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay in doorashada baarlamaanka ay dib u dhacday muddo labo bilood ah sababtoo ah muran ka jira sida loo soo xulayo xubnaha.

“Doorasho ma socoto,” xildhibaanka oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa sidaa Reuters u sheegay.

“Waxaa jira muran ka dhex-jira beelaha oo ku saabsan soo xulida xildhibaanada tartamaya iyo odayaasha,” ayuu ku daray xildhibaanka.

Saraakiisha dowlada federaalka Soomaaliya ayaan si dhaqso ah uga jawaabin arrintaas la xiriirta dib u dhaca doorashada.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa qorshuhu ahaa in ay dhacaan bishii lasoo dhaafay, balse dib ayay u dhaceen si loogu diyaar-garoobo wakhti badan.

Baarlamaanka ayaa waxaa soo xulaya odayaasha beelaha iyadoo xildhibaanada lasoo xulayna ay dooran doonaan madaxweyne.

Madaxweynaha hadda xilka haya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysulwasaaraha hadda jooga Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa u taagan doorasho.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*