Doorashada xildhibaanada aqalka hoose oo Muqdisho ka bilaabmatay

Sanduukha doorashada Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Doorashada lagu soo xulayo xildhibaanada qabiilooyinka Banaadiriga iyo Somaliland umatali doona aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah ka bilaabmatay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Doorashada aqalka hoose ayaa ka bilaabmatay maamul goboleedyada Soomaaliya bilowgii bishaan, walina lama soo gunaanadin hanaanka doorashada.

Ilaa iyo hadda 170 xubnood oo aqalka hoose ah ayaa la doortay. Xildibaanada aqalka hoose ayaa ka kooban 275 xubnood.

About Puntland Mirror 839 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*