Doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee Somaliland oo la hakiyay

Sanduukha doorashada [Sawirka: Archive]
Sanduukha doorashada [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Doorashada xubnaha aqalka hoose ee maamulka Somaliland u matali doona xildhibaanada aqalka hoose ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la hakiyay, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka dadban.

Guddiga doorashooyinka dadban ayaa sheegay in doorashada oo Muqdisho ka socotay la hakiyay inta laga xallinayo khilaaf ka jira doorashada.

Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa warsidaha Puntland Mirror u xaqiijiyay in sababta loo hakiyay ay tahay kadib markii khilaaf culus ka dhashay ergooyinka dooranaya beelaha.

Somaliland ayaa 46 xubnood ku leh aqalka hoose, iyadoo ilaa iyo hadda la doortay 19 xildhibaan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*