Doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee Somaliland kasoo jeeda oo Muqdisho dib uga bilaabmatay

Doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee Somaliland kasoo jeeda oo Muqdisho dib uga bilaabmatay. [Sawirka: Twitter]
Doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee Somaliland kasoo jeeda oo Muqdisho dib uga bilaabmatay. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Doorashada xildhibaanada Somaliland u matali doona aqalka hoose ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah dib uga bilaabmatay  Muqdisho kadib dhowr maalmood oo hakad ku yimid.

Doorashada maanta ayaa lagu doortay ilaa iyo lix xildhibaan, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinka dadban ayaa asbuucii lasoo dhaafiyay hakiyay hanaanka doorashada oo Muqdisho ka socotay kadib khilaaf ka dhashay.

Somaliland oo sidoo kale loo yaqaan Waqooyiga Soomaaliya ayaa aqalka hoose ee Soomaaliya ku leh 46 xildhibaan, waxaana la doortay 25 xubnood ilaa iyo hadda.

Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in 28-ka bishaan December ay doorato madaxweynaha shanta sanno ee soo socota, sida qorshuhu yahay, balse taasi maahan mid suurtagal noqon garta, marka loo eego sida ay wax u socdaan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*