Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo dib loo dhigayo bisha December: Warbixin

Doorasho
sanduuqa cod ku ridida doorashadii baarlamaanka Soomaaliya 2012-kii.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Doorashada Soomaaliya oo lagu balansanaa in ay dhacdo bisha September ayaa la filayaa in ay dib u dhacdo bisha December, sida ay Puntland Mirror u sheegeen ilo-wareedyo dibloomasi oo lagu kalsoonaan karo.

Doorashada labada aqal ee aqalka sare iyo aqalka hoose ayaa dhici doonta bisha October, sida ay sheegayaan ilo-wareedku.

Doorashada Madaxweynaha ayaa la filayaa in ay dhacdo bilowga bisha December ee dabayaaqada sanadkan, sida ku qoran dukumenti sir ah oo uu arkay warsidaha Puntland Mirror.

Dib u dhaca ayaa waxaa keenay arrimo farsamo oo ka yimid dhanka dowlada iyo guddiga madaxa-banaan ee doorashada.

Shirka hoggaamiyaasha siyaasada Soomaalida oo dhawaan lagu qabtay magaalada Baydhabo ayaa hoggaamiyaasha ku heshiiyeen qorsho hawleedka doorashada oo lagu heshiiyay in doorashada ugu dambaysa ee Madaxweynaha ay dhacdo tobanka bisha September.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo hadda wakhtigiisa sharciga ah ku egyahay bilowga bisha September ayaa doonaya in markale dib loo soo doorto.

Iyadoo mudada ay ku egtahay baarlamaanka hadda jira ay ka harsantahay muddo bil ah wax ka yar ayaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo gobolada kale ee dalka laga dareemayn wax olole ah.

Wasaarada amaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay asbuucaan amaro lagu xadidayo shirarka siyaasadeed ee lagu qabanayo huteelada Muqdisho.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*