Dooni ganacsi oo u rarnayd ganacsato Puntland ah oo ku degtay biyaha Badda Cas

Dooni
Dooni ganacsi oo xeebta Boosaaso kusoo xiranaysa.

Boosaaso-(Puntland Mirror) Dooni u rarnayd ganacsato Puntland ah ayaa ku degtay Badda Cas ee u dhaxaysa magaalooyinka Dubai iyo Boosaaso, sida ay sheegeen ganacsatada.

Doonida ayaa dhawaan kasoo baxday dekada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta waxayna kusoo socotay Boosaaso.

Sida uu khadka taleefoonka ugu sheegay warsidaha Puntland Mirror qof kamid ah ganacsatada ay doonida u rarnayd, doonida ayaa siday bagaash, qalabka dhismaha, baabuur iyo shidaal.

Ganacsadaha ayaa sheegay in ay u malaynayaan in degida doonida ay keentay dabaylo xoogan oo xilligan xagaaga ah oo kale ka dhaca biyaha Badda Cas.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*