Donald Trump oo iclaamiyay in Qudus ay tahay caasimada Israel

Sawirka: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Washington-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanku uu magaalada Qudus u aqoonsaday caasimada Israel.

Trump ayaa ku qeexay tilaabada mid soo daahday six horumar looga sameeyo dadaalada nabada ee Bariga Dhexe.

Magaalaa taariikhiga ah ee Qudus ayaa ahyd mid kamid ah arrimaha ugu adag ee u dhaxeeya Falastiiniyiinta iyo Yuhuuda.

Israel ayaa tilaabada Trump ugu yeertay mid taariikhi ah balse waxaa jira dhaleecayn caalami ah.

Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu weli taageerayo xalka ah in labo dowladood la sameeyo, haddii labada dhinac ay yeelaan, taasoo sameyn doonta dowlad madaxbanaan oo ay leeyihiin Falastiiniyiintu oo ka gees dhisan Israel.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas ayaa ku tilmaamay hadalka Trump “wax aan la aqbali karin”, isaga oo sheegay in Mareykanku uusan sii noqon karin dhex dhaxaaadiye nabadeed.

Sideed kamid ah 15-ka dal kuwaasoo hadda xubno ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in kulan deg deg ah la isugu yimaado oo ku saabsan go’aanka Mareykanka.

Trump ayaa sheegay in uu ku amray Waaxda Arrimaha Dibada Mareykanka in ay u diyaargaroobaan sidii ay safaarada Mareykanka uga soo wareejin lahaayeen Talaabiib ayna u geyn lahaayeen Qudus.

Maamulka Israel ee magaalada Qudus ayaan weligeed la aqoonsan, dhammaan wadamada caalamka ayaa safaaradahooda waxay ke leeyihiin gudaha magaalada Talaabiib.

Maxay caalamka intiisa kale ka dhaheen?

Go’aanka Trump ayaa xanaaq ku keenay Muslimiinta caalamka, xitaa kuwa xuluafada la ah Mareykanka.

  • Boqorka Sucuudiga Salmaan ayaa sheegay in tilaabadu ay noqon doonto kacdoon ka dhan Muslimiinta caalamka oo dhan.
  • Mudaharaadyo ayaa mar hore ka bilaabmay gudaha Qasa iyo banaanka hore ee safaarada Mareykanka ee Istanbul, Turkey.
  • Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in ay ahayd “wakhti walaac badan”. “Looma hayo wax xal ah labada xal, ma jiro qorshe B,” ayuu yiri.
  • Raysulwasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegay in ay ka soo horjeedo go’aanka Mareykanka, kaas oo ahaa “mid aan waxba u taraynin rajada laga qabo nabadda gobolka”
  • Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Faransiisku uusan taageeri doonin tilaabadaas waxaana uu ku baaqay daganaansho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*