Donald Trump oo booqanaya gobolka Minnesota balse aan taageero ka heli doonin qowmiyada Soomaalida ee ugu badan gobolkaas

Trump
Murashaxa madaxweynaha xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka Donald Trump.

Minneapolis-(Puntland Mirror) Murashaxa madaxweynaha xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu booqdo gobolka Minnesota maanta oo Jimce ah.

Trump ayaa la filayaa in uusan soo dhaweyn fiican ka heli doonin bulshada Soomaalida ee kunool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Bulshada Soomaalida ayaa calool xumo u qabta Trump oo dhowr jeer oo hore bartilmaameedsaday bulshada Muslimiinta ee Maraykanka iyo gaar ahaan Soomaalida.

Donald Trump oo dhawaan ka hadlayay gobolka Maine ayaa sheegay inuu walaac ka qabo Muslimiinta qaxootiga ah ee Maraykanka kusoo kordhaya, Trump, ayaa ku tilmaamay Soomaalida Maraykanka dagan qaxooti doonaya inay ku biiraan ururka Daacish. Wuxuuna soo jeediyay in dadka Muslimiinta laga mamnuuco dalka Maraykanka.

Donald Trump ayaa u tagaya gobolka Minnesota arrimo la xiriira ololihiisa doorashada.

Soomaalida ayaa ah qowmiyada ugu badan ee Minneapolis, waxaa lagu qiyaasay 25,000 oo Soomaali ah in ay joogaan gobolka Minnesota sanadkii 2013-ka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*