Diyaarinta Qorshaha Horumarinta 4-aad ee Puntland oo ka furmay Garoowe

Madaxweynaha oo ka qaybgalaya kulanka qorshaha horumarinta Puntland. [Isha Sawirka: Puntland State Houes]
Garoowe-(Puntland Mirror) Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland ee 4-aad 2020 -2024 ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmay caasimada Garoowe.

Masuuliyiin katirsan dowladda oo uu hoggaaminayo madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qaybgalay kulanka oo looga wada-xaajoon doono qorshaha horumarineed.

Madaxweyne Deni oo kulanka ka hadlay ayaa yiri: “Puntland waxaa lagu amaani karaa mudadaa ay shaqayneysey horumarka ay ka gaartay inay nidaamkii dowladnimo dhisto, waxna ka qorshayso. Maanta waxaan halkan u joognaa daahfurkii 4-aad ee diyaarinta qorshaha horumarinta Puntland, kani waa qorshaha horumarinta, qorshihii siyaasadeed ma ah, waa qorshaha horumarinta, marka laga hadlaayo qorsha horumarinta ee horumarinta bulshada bay inta badan xoogga saaraan, horumarintaasi waxay ku tiirsan tahay inta badan deeqaha ay Puntland ka hesho hay’addaha. Qorshahan sida wasaaraddu cadaysay siyaasadda dowladdana ka mid ah, waxaan rabnaa inaan kuwii hore wax ka bedelno oo ku darno qaybta suurtagal ka ah ee dalka ka imaanaysa kuwaas oo laba qaybood ah tan dowladda iyo tan bulshada rayid ka.”

Waxa uu intaas ku daray in dowladda ay xooga saari doonto kobcinta fursadaha canshuur bixiyaasha kuwaasoo ay dowladdu ka hesho dakhli.

“Waxaan u socono ugu dambayn waa in aan dadkeena adeegga ay u baahanyihiin aan siino, si adeegga ay u baahanyihiin dowladdu u siiso, waxay u baahan tahay dakhli ay qorshaysato oo ay markaas umadda u celiso, dakhliga dowladdu waxa uu ka yimaaddaa waa cashuuraha, haddii dhaqaalaha iyo dakhliga dalku horumarsanayn laftirkeeda meel ay dowladdu cashuur ka helayso majirto, ahmiyadda koowaad dowladdu waxay siinaysaa in dadka cashuurta laga helo ay kobciso fursadaha ay iyagu ku helilahaayeen dakhli inta aanay cashuur bixin ayaan suurta gelinaynaa.” Ayuu yiri.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*