Diyaaradii ugu horeysay ee rakaab oo Shiinuhu sameystay oo hawada gashay

Diyaaradda ayaa duuli karta dherer gaaraya 3,000 kiilomitir iyo xawaare dhan 300 mitir saacadiiba. [Xigashada Sawirka: AFP]
Beijing-(Puntland Mirror) Diyaaradii ugu horeysay oo gudaha dalka Shiinaha lagu sameeyo ayaa dhammeystirtay duulimaadkeedii ugu horeeyay, taasoo caqabad weyn ku ah shirkadaha sameeya diyaaradaha ee Boeing iyo Airbus.

Kadib 90 daqiiqo oo ay hawada ku jirtay diyaarada ayaa si nabad ah ugu noqotay garoonka diyaaradaha Pudong oo kuyaala Shanghai.

Diyaaradda ayaa calaamad muhiim ah u ah hami kororka Beijing ee in ay soo galaan suuqa duulimaadyada caalamiga ah.

Shirkada diyaaradda ee Comac oo ay leedahay dowladda ayaa la qorsheeyay tan iyo sanadkii 2008-dii laakiin dayuurada ayaa si joogta ah dib loogu dhigayay.

Duulimaadka kowaad ee maanta oo Jimce ah, diyaaradda ayaa qaaday keliya shaqaalaheeda oo ka kooban shan duuliye iyo injineero waxaana ay ka hor kacday kumanaan masuuliyiin sare ah, shaqaalaha duulimaadka iyo taageeroyaal.

Taleefishinka dowladda ayaa sheegay in diyaaraddu ay duuli karto dherer gaaraya 3,000 mitir iyo xawaare dhan 300 kiilomitir saacadiiba.

Diyaaradda C919 ayaa waxaa ku baxay kharash dhan $50 milyan. [Xigashada Sawirka: Getty Images]

Diyaaradda oo la dhaho C919 ayaa waxaa loogu talogalay in ay tartan toos ah la gasho Boeing 737 iyo Airbus A320.

Sida ay sheegeen warbaahinta Shiinaha, diyaaradda C919 ayaa qaadi karta 168 rakaab ah. Waxaana ku baxay kharash dhan $50 milyan oo ka yar nus inta ay joogaan Boeing 737 ama Airbus A320.  

Jaangooyaha badqabka duulimaadyada Yurub ayaa bilaabay hanaanka shahaado siinta diyaaradda C919, taasoo tilaabo muhiim ah u ah sidii ay ugu guuleysan lahaayeen suuqa caalamiga ah.

Shiinaha ayaa lahaa hamiga ah sidii ay u sameyn lahaayeen warshadda diyaaraddaha rayidka oo ay iyagu leeyihiin tan iyo sanadkii 1970-kii. 

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*