Diyaaradaha dagaalka Yuhuuda oo duqeeyay garooon diyaaradeed milatari oo kuyaala duleedka magaalada Dimishiq ee gudaha Suuriya

Diyaaradaha dagaalka Yuhuuda oo duqeeyay garooon diyaaradeed milatari oo kuyaala duleedka magaalada Dimishiq ee gudaha Suuriya. [Sawirka: Archive]
Diyaaradaha dagaalka Yuhuuda oo duqeeyay garooon diyaaradeed milatari oo kuyaala duleedka magaalada Dimishiq ee gudaha Suuriya. [Sawirka: Archive]
Dimishiq-(Puntland Mirror) Diyaaradaha dagaalka Yuhuuda ayaa bartilmaameedsaday garooon diyaaradeed milatari oo kuyaala duleedka magaalada Dimishiq, sida ay ku warantay wakaalada wararka dowladda Suuriya ee (SANA) maanta oo Jimce ah.

SANA oo soo xiganaysa ilo-wareedyo milatari ayaa sheegay in dhowr gantaal ay diyaaradaha Yuhuudu ku dhufteen garoonka milatari oo la dhaho Mazzeh.

Lama oga in khasaare ay duqayntaas ka dhalatay, bale waxaa halkaas gaaray baabuurta gurmadka deg-dega ah.

Wali kama aysan hadlin saraakiisha Yuhuuda duqayntaas ay diyaaradahoodu ka geysteen gudaha Suuriya.

Waa markii saddexaad dhawaan oo Yuhuuda ay duqaymo ka geystaan gudaha Suuriya, sida ay sheegtay dowladda Suuriya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*