Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo qaaday duqaymo ka dhan ah maleeshiyada ISIS ee ku sugan Puntland

Sawirka: Maleeshiyada ISIS ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Garoowe-(Puntland Mirror) Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa qaaday duqaymo ka dhan ah maleeshiyada ISIS ee ku sugan gudaha Puntland shalay oo Jimce ahayd, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa xaqiijiyay.

“Iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ciidamada Maraykanku waxay sameeyeen laba duqeyn oo kala duwan oo ka dhan ah ISIS, waqooyi bari Soomaaliya Nov. 3, iyaga oo dilay dhowr argagixiso. Weerarka kowaad wuxuu dhacay qiyaastii saqda dhexe ee saacada gudaha Somaaliya iyada oo weerarkii labaadna uu dhacay qiyaastii 11 a.m. ee xilliga Soomaaliya.” Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sidaa ku yiri bayaan.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa intaa ku daray in ay hadda qiimeynayaan natiijooyinka duqaynta, sida lagu sheegay war saxaafadeedka ay soo dhigeen website-kooda.

Labadii sano ee lasoo dhaafay, maleeshiyada ISIS ayaa joogtay gudaha gobolka Bari ee Puntland.

War saxaafadeedkooda, Mareykanka ayaa balanqaaday in ay sii wadi doonaan howlgalada, lagu bartilmaameedsanayo xagjiriinta iyo saldhigyadooda kuyaala dhammaan gudaha Soomaaliya.

Weerarka ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo ka dhan ah maleeshiyada ISIS ee ku sugan Geeska Afrika, oo ay qaadeen Mareykanku.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*