Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeeyay saldhigyada al-Shabaab ee gobolka Gedo

Kenyan jets
Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeeyay saldhigyo ay al-Shabaab ku leedahay gobolka Gedo, sida uu sheegay sarkaal.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Xasan oo la hadlay saxaafada gudaha ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ay gantaalo badan ku garaaceen saldhigyada maleeshiyada al-Shabaab ay ku leeyihiin meel u dhow deegaanka Ceel-cade ee gobolka Gedo.

Ma jirto tiro sax ah oo ku saabsan inta ay dhantahay maleeshiyada ku dhimatay duqaynta, balse guddoomiyaha ayaa sheegay in maleeshiyaad badan lagu dilay duqayntaas.

Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa waday duqaymo joogto ah tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan, kadib markii dagaalyahanada al-Shabaab ay weerar ku dileen in ka badan 100 ciidamada Kenya ah deegaanka Ceel-cade.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*