Diyaarada siday madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo loo ogolaaday in ay kacdo kadib saacado xayiraad ah

Xasan Shiikh iyo Shariif Shiikh Axmed oo ku sii jeeda Beledweyne. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Diyaarada siday Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo ogolaaday in ay kacdo kadib saacado xayiraad ah garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Saakay, diyaarada qaadi lahayd labada masuul oo ku sii jeeday magaalada ay fatahaaduhu ku dhufteen ee Beledweyne ayaa la diiday in ay tagto, sida ilo-wareedyo haayada socdaalka katirsan ay warbaahinta u sheegeen.

Lama oga sababta keentay xanibaada ka dhanka ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, kuwaasoo hadda kala hoggaamiya ururo siyaasadeed.

Masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin xayiraada.

Madasha ururada siyaasadeed ee uu hoggaamiyo Shiikh Shariif ayaa asbuucii hore sheegay in ay lacag dhan $200,000 ugu deeqeen dadka Beledweyne ee ku waxyeeloobay fatahaada webiga Shabeelle.

Ma ahan markii ugu horeysay ee masuuliyiintan lagu xanibo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, bishii September ee sanadkan ayaa is-hortaag lagu sameeyay xilli ay rabeen in ay ka qeybgalaan caleemosaarkii madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Dhanka kale, Raysulwasaarada dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ay u qorshaynayd in uu maanta oo Axad ah u aado Beledweyne ayaa baajiyay safarkiisa, lamana oga sababta ka dambaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*