Diyaarada Qatar Airways oo isticmaalaysa hawada Soomaaliya

Diyaarada Qatar Airways. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 15 duulimaad oo diyaarada Qatar Airways leedahay ayaa isticmaalay hawada Soomaaliya tan iyo markii Sucuudi Caraabiya iyo dowladdo kale oo Carbeed ay xiriirka u jareen dalka Qatar, sida ay ku warantay wakaalada wararka AP oo soo xiganaysa masuul katirsan dowladda Soomaaliya oo magiciisa qariyay.

Sucuudi Caraabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Qatar shalay oo Isniin ahayd, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto ururo argagixiso oo ka jira gobolka, balse Qatar waa ay diiday eedaymahaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*