Diyaarada Djibouti oo duulimaadyo ka bilaabi doonta Garoowe

Air Djibouti. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Diyaarada Djibouti ayaa duulimaadyo ka bilaabi doonta garoonka diyaaradaha ee Garoowe, sida ay sheegtay.

Diyaarada oo ay leedahay dowladda Jabuuti ayaa asbuuciiba labo duulimaad ka bilaabi doonta Garoowe dabayaaqada bishan December, sida ay ku sheegtay boggeeda Facebook.

Waxay ku biiri doontaa diyaaradaha kale ee gobolka gaar ahaan Ethiopian Airlines oo horey duulimaadyo uga bilowday Garoowe, caasimada Puntland.

Garoonka diyaaradaha Garoowe oo dhawaan la dhisay ayaa soo jiitay duulimaadyo kala duwan oo gudaha iyo dibada ah, oo xoojiyay isku xirka socdaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*