Diyaarado aan la aqoon cida leh oo duqeeyay deegaanka Galgala Puntland

Garoowe-(Puntland Mirror) diyaarado dagaal oo aan la aqoon cida iska leh ayaa lagu soo waramayaa in ay duqaymo ka sameeyeen deegaanka buuralayda Galgala ee gobolka Bari Puntland, Soomaaliya.

Duqaymaha ayaa la fuliyay maalmihii Arbacada iyo Khamiista sida qof goobjooge ah oo qariyay magaciisa u sheegay laanta Afsoomaaliga idaacada VOA.

“Waxaa ka dhacay duqayn cirka laga duqeeyay meelo kamid ah buuraha Caalmadoow ee Galgala meelaha ay ka dhaceena waxaa kamid ah meelo dad shacab ah iyo dad xoolo dhaqato ah ay daganyihiin,” ayuu yiri goobjoogaha.

Wuxuu intaas ku daray in duqaynta ay dhacday maalmihii Arbacada iyo Khamiista diyaaradaha duqaynta geystayna ay u malaynayaan in ay kasoo kaceen dhanka badda.

Deegaanka Buuralaydka Galgala ayaa waxaa ku dagaalamayay shanti sanno ee u dambaysay ciidamada dowlada Puntland iyo maleeshiyaad al-Shabaab ah oo halkaas ku dhuumanaya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*