In ka badan 75 qof oo ku dhimatay diyaarad ku burburtay gudaha dalka Columbia

Qariidada mmagaalada Medellin ee dalka Columbia. [Sawirka: World Atlas]
Qariidada magaalada Medellin ee dalka Columbia. [Sawirka: World Atlas]
London-(Puntland Mirror) Diyaarad ay saarnaayeen 81 qof, oo ay kamidyihiin ciyaartoy naadi kubada cagta oo Brazil ah ayaa ku burburtay dalka Columbia, sida ay wararka sheegayaan.

Booliiska Columbia ayaa sheegaya in ka badan 75 qof oo rakaabka kamid ah ay geeriyoodeen, shan qof oo kaliya ayaa ka badbaaday shilkaas, sida ay booliska sheegeen.

Diyaarada oo ahayd mid ganacsi ayaa ka timid dalka Bolivia, waxayna siday ciyaartoy katirsan kooxda kubada cagta ee Chapocoense oo Barzil ka dhisan.

Diyaaradu ayaa ku burburtay deegaan buuro ley ah oo ku yaala duleedka magaalada Medellin ee dalka Columbia.

Sawiro warbaahinta bulshada lasoo gashay ayaa u muuqda qeyb kamid ah diyaarada oo burburtay. 

161129154950-04-lamia-plane-accident-exlarge-169
Qeyb kamid ah burburka diyaarada. [Sawiraka: Twitter]
Waa tuma kooxda kubada cagta ee  Chapecoense?

kooxda kubada cagta ee Chapecoense. [Sawirka: AFP]
kooxda kubada cagta ee Chapecoense. [Sawirka: AFP]
  • Kooxda kubada cagta ee Chapecoense ayaa la asaasay sanadkii 1973.
  • Sanadkii 2014-ka ayay markii kowaad kamid noqotay taarikhda horyaalka kowaad ee Barzil (Serie A), hadda waxay ku jirtay kaalinta sagaalaad.
  • Waxaa fadhigeedu yahay magaalada Chapeco ee gobolka Santa Catarina ee dalka Brazil.
About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*