Diyaarad sida qaadka Miirowga oo timid magaalooyinka Puntland iyadoo dowlada federaalka hakisay qaadka Mirowga ee Kenya

Diyaarad qaad sida
Diyaarad laga dajinayo qaad. Sawirka: Facebook.

Garoowe-(Puntland Mirror) Diyaarad sida qaad ayaa maanta oo Talaado ah kasoo degtay garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Laa-scaanood, Gaalkacyo iyo Qardho iyadoo dowlada federaalka Soomaaliya ay hakisay qaadkii Miirowga ee ka imaan jiray dalka Kenya.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka magaalooyinkaas diyaarada ayaa siday qaad Miirow ah oo ka badan intii awal la keeni jiray.

Dowlada federaalka Soomaaliya oo caalamka taageero ayaa shalay soo saartay go’aan ku saabsan in la hakiyay qaadka Miirowga oo ka yimaada Kenya.

Isaga oo saxaafada maxaliga ah la hadlayay xalay afhayeenka dowlada Puntland Cabdulaahi Maxamed Jaamac “Quraan-jacel” ayaa sheegay in go’aanka qaadka lagu joojiyay uusan qusayn Puntland ayna imaan karaan garoomada Puntland dhamaan diyaaradaha qaadka sida.

Dowlada federaalka ma aysan faahfaahin sababta loo hakiyay qaadka Miirowga ee Kenya.

Soomaaliya ahaa ah suuqa ugu weyn ee qaadka Miirowga Kenya in ka badan 16 diyaaradood ayaa lagu qiyaasaa in ay maalin walba geedkaas keenaan gudaha Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*