Diyaarad Ruushka leeyahay oo siday 71 qof oo rakaab ah oo burburtay

Diyaaradda burburtay ayaa nooceedu ahaa An-148 sida tan ka muuqata sawirka.

Moscow-(Puntland Mirror) Diyaarad Ruushka leeyahay oo siday 71 qof oo rakaab ah iyo shaqaalaha diyaaradda ayaa burburtay maanta oo Axad ah kadib markii ay kasoo muuqan weyday shaashadaha raadaarka, sida ay sheegeen warbixinadu.

Diyaaradda ayaa ka tagtay caasimada Ruushka ee Moscow waxayna ku socotay magaalada Orsk.

Ilo-wareedyo katirsan Adeegyada Gargaarka deg dega ah ayaa wakaalada wararka Interfax u sheegay in diyaaradu ay burburtay aysana jirin fursad ah in dadka saaran ay badbaadaan.

Waxaa la sheegay in ay ku dhacday meel u dhow Argunov, oo qiyaastii 80 kiilomitir dhanka koonfurta-bari ka xigta Moscow.

Sida ay warbaahinta Ruushka sheegtay, diyaarada ayaa laga waayay shaashadaha raadaarka labo daqiiqi kadib markii ay ka tagtay garoonka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*