Dilka hoggaamiye ku xigeenka ISIS waxa uu u muqdaa mid diciifin kara weerarada ISIS ee gudaha Puntland

Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dilka Mareykanku uu u geystay hoggaamiye ku xigeenkii maleeshiyada ISIS ee gudaha Puntland, Soomaaliya, waxay wiiqaysaa awooda kooxda si ay weeraro uga geystaan deegaanada Puntland, sida uu sheegay wasiirka amniga.

“Waxa uu ahaa maskaxda ka dambeysa weeraro ka dhacay gudaha Puntland, dhimashadiisu waxay saameyn daran oo dhanka milatariga ah ku keeni kartaa kooxda, dilkiisuna waxa uu ka dhiganyahay howlgal lagu guuleystay,” wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan ayaa sidaa warbaahinta u sheegay.

Mareykanka ayaa Isniintii cadeeyay in duqeyn ay ka fuliyeen gobolka Bari ee Puntland lagu dilay Cabdixakiin Dhuqub, kaasoo ay ku tilmaameen in uu maleeshiyada u qaabilsanaa howlgalada maalinlaha ah iyo qorsheynta weerarada.

Maleeshiyada ISIS oo uu hoggaamiyo Cabduldaaqir Muumin, taasoo sanadkii 2015 ka goosatay Al-Shabaab, ayaa weeraro ay kamidyihiin qaraxyo iyo khaarajin ka geysatay gudaha Puntland.

Puntland oo kutaala Gacanka Cadan, oo u dhow Badda Cas iyo Kanaalka Suweys, ayaa dagaal kula jirta maleeshiyooyinka argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo ISIS.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*