Dilal loo geystay dad shacab ah oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho, caasimada Soomaaliya. [Sawirka: AFP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dilal kala duwan oo ka dhan ah dad shacab ah ayaa ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho saacadihii lasoo dhaafay, sida ay wararku sheegayaan.

Shaqaale katirsanaa shirkadaha isgaarsiinta oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Cabdi ayaa kooxo hubeysan ku dileen degmada Hodan ee Muqdisho, kooxdii dilka geysatay ayaa baxsatay.

Sidoo kale darawal bajaaj ayaa lagu dilay degmada Howlwadaag ee Muqdisho, iyada oo gacan ku dhiiglayaashii dilka geystay aan la qaban.

Ammaanka Muqdisho ayaa u muuqda mid soo xumaanayay asbuucyadii dhawaa ee lasoo dhaafay, iyada oo magaalada ay ka dhaceen qaraxyo khasaare dhaliyay iyo dilal khaarajin ah.

Argagaixisada Al-Shabaab iyo ISIS ayaa qaada qaraxyada iyo dilalka qorsheysan oo ka dhaca Muqdisho, balse khuburada ammaanka ay sheegayaan in ay labadaan kooxood keliya aysan wax dilin ayna jiraan kooxo kale.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale inta badan rasaas ay furaan waxaa ku dhinta dad shacab ah, waxaana ugu dambeysay gabar yar oo caruur iskuul ah oo asbuucii laasoo dhaafay u dhimatay rasaas ay rideen askar katirsan dowladda.

Muqdisho oo muddo sannooyin ah ahayd meesha ugu khatarta badan caalamka ayaa sanadihii u dambeeyay kasoo kabanaysay dhibbaatooyinkii ay u geysteen colaadaha sokeeye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*